Kulanka 3aad Madasha Fikirka

See Full Article

DOODAHA BAYAAN
1 |Madasha Fikirka |Kulanka 3aad |November 01, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
2 |Madasha Fikirka |Kulanka 3aad |November 01, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
ARAR
Sida aan wada ognahay siyaasaddu waa rukun weyn oo ka mid ah rukunnada diinta Islaamka, waxaanna aaminsannahay in ay ka mid tahay baababka fiqiga iyo cilmiga, waliba ay horseed u tahay meelaha ummadaha laga hoggaamiyo oo laga hago, si ay u xaqiijiyaan horumar adduun iyo mid aakhiroba. Sidaas darteed waxaan dareemaynaa in bulshooyinkeenna iyo jaaliyadaheenna soomaaliyeed ay kasoo qaxeen waddamadoodii unasoo qaxeen dhinacaas reer galbeedka sida; Kanada, Maraykanka, Yurub iyo Ustureeliya. Waxayna ku negaadeen waddamo aan kuwoodii ahayn, isla markaasna ay ka noqdeen dad laga tira badan yahay – Aqalliyaad- halkaas oo ay ku barbaareen oo ay ku ballaarteen, ilaa jiilkii koowaad uu maanta jiilkii labaad hoggaanka ku wareejinayo. Haddaba bulshooyinkeennu marka ay dibadaha ku noolyihiin waxay la kulmaan duruufo siyaasdaeed, iyo kuwo bulsho, waxaana soo foodsaara duruufo ka dhaqan duwan qaabkii hore oo ay u noolaayeen, sida bulshooyin saqaafooyin kala duwan leh. Jaaliyadaha muslimka ahna waxay noqdeen kuwo aan ka go’ikarin marnaba bulshooyinka ay la noolyihiin.
Haddaba iyada oo laga duulayo arrimahaas oodhan, ayaa Xarunta Cilmibaarista Bayaan waxay bilow kulanno taxane ah oo lagu lafa-gurayo sida ugu wanaagsan ee ka qaybgalka siyaasadeed ee dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalalkaasi ay noqon karto. Dooddan oo noqonaysa middii 3aad ayaa waxaa ka horreeyay 2-kulan oo mid gogol dhig ahaa, loogana hadlay fahanka siyaasadda sharciga ah, seeska siyaasadda ee masaalixda iyo mafaasidda Iwm. Halka doodda labaad ay xoogga saaraysay xisbiyada siyaasadda ka qaybgalkooda, iyo sharci ahaan qofka muslimka ah waxa kaga aaddan iyo waliba Mu’asasooyinka Islaamiga ah iyo kaalinta ay ku leeyihiin ka qaybgalka siyaasadda.
Kulankaan oo uu daadihinayay isla markaana qaybinayay hadalka Sh. Maxamed Shucayb oo kamid ah maamulka –BRC ayaa waxa uu kaga duwanaa kuwii ka horreeyay in uu si toos ah uga dhacay xarunta dhexe ee BRC ee Minneapolis. Kulankaan oo ah kii 3aad ee Madasha Fikirka, ayaa waxa marti ku ahaa:.
1. Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
2. Sh. Yuusuf Cabdille – Guddoomiyaha Hay’adda Ayaana
3 |Madasha Fikirka |Kulanka 3aad |November 01, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
GOGOLDHIG
Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, ayaa furfurasho kadib wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay muhiim tahay in la fahmo in diinta Islaamku tahay Diin Siyaasiya. Isaga oo sheegay intaasi noqonayso rukunka ay cuskanayso dooddiisu.
Dhanka kale Sheekha ayaa hadalkiisa ku bilaabay in diimaha guud ahaan loo qaybiyo:
 Diimaha aaminsan waxa ugu hooseeya ee diin la yiraahdo
 Diimaha aaminsan waxa ugu korreeya ee diin la yiraahdo
Isaga oo kusii faahfaahiyay waxa ugu hooseeya ee diin la yiraahdo in ay ula jeedaan:
1. In ay diintu ka hadasho awood maqan oo aan la arkayn oo dunidaan maamusha, oo go’aanka in ay duni jirto keentay.
2. In ay diintu ka hadasho dunidu meesha ay ka abuurantay iyo meesha ay ku dhammaanayso.
3. Waxa ay ka hadashaa masuuliyadda ka dhalanaysa rumaynta arrimahaas oo dhan.
Arrimahaas ka hadalkooda waxaa kasiman dhammaan diinmaha samaawiga ah iyo kuwa aan ahaynba. Balse waxaa jirta diin intaas ku darsatay masuuliyad anshaxeed iyo mid ruuxeed sida Masiixiyadda iyo tan Yahuudda oo diin shacbi ah. Halka diintu Islaamka intaas u dheer tahay in ay tahay diin tandiimi ah oo nolosha oodhan nidaaminaysa. Islaamkuna saddex ayuu nolosha u qaybinayaa:
 Qaybta aan isbeddelin nolosha – Sida; xeerka qoyska, cibaadooyinka
 Qaybta sugnaanshaheeda iyo isbeddelkeedu isle’eg yihiin – Sida; baayacmushtarka
 Qaybta ay badan tahay isbeddelkeedu, waxa suganna ay yar tahay – Sida; siyaasadda
Guud ahaan Culimada ayaa lafa gurtay ka qaybgalka siyaasadda lagasoo bilaabo xilligii Nebi Muxammad NNKH, casrigii khulafada iyo waliba casriyadii ka dambeeyay. Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, ayaa boorriyay in ay muhiim tahay in la adkeeyo dhowr majaal sida in la sameeyo; Jiko Siyaasadeed oo lagu soo saaro dadka ku metelaya bulshadeenna dhanka siyaasadda, iyo in la helo saqaafo siyaasadeed oo hagta siyaasiga, si looga fogaado duul duul ku dhaca siyaasiga.
4 |Madasha Fikirka |Kulanka 3aad |November 01, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
DHUBUCDA KULANKA
Kulanka oo ahaa runtii mid socday muddo saddex saacadood. Waxaa qayb ka ahaa culimada aan kor kusoo xusnay, waxaana ka qayb qaadanayay oo joogay xarunta aqoonyahan, culimaa’uddiin iyo ganacsato.
Doodda dhammaadkeeda ayaa waxa soo koobay nuxurkii kulanka Ustaad Xassan Hade, isaga oo kusoo koobay qodobbada soo socda:
1. In diinta Islaamku tahay diin aan ku koobnayn oo keliya majaalka iimaanka iyo ruuxda balse ay tahay diin dhammaystiran oo nidaaminaysa nolosha oo dhan. Taas oo asalkaba muujinaysa in Islaamku yahay diin siyaasi ah.
2. In Muslimiintu ay leeyihiin kaqaybgal siyaasadeed oo sooyaalka muslimiinta ku xusan kana dhex muuqda. Waxa ay culimadu ku nuuxnuuxsadeed dhammaan heshiisyadii Nebiga uu galay ee – Caqaba, Ridwaan Iwm. ay tusaale u yihiin ka qaybgalka siyaasadeed, dhanka kale culimadu waxa ay tilmaantay muhiimadda ay u leedahay muslimiinta dhisiddii [Dowladdii Madiina] iyo waliba wasiiqadii Madiina ee lagu aasaasay dowladdaas.
3. In qawaaniinta Dowladaha ka jira dalalka Muslimiintu aysan si buuxda uga turjumayn Shareecada iyo xukunka Islaamka. Iyada oo culimadu aad u adkeeyay in la kala saaro Islaamka iyo tadayunka [ku dhaqanka diinta] taas oo keentay fahan xumo iyo mugdi in uu galo isku xukunka Islaamka. Iyada oo culimadu ay u qaybiyeen dowladaha ka jira maanta dunida saddex heer;
a) Dowlado dadka ku nool aysan muslimiin ahayn, nidaamkuna uusan Islaam ahayn.
b) Dowlado dadka ku nool ay muslimiin yihiin, nidaamkuna uusan Islaam ahayn
c) Dowlado dadka ku nool ay muslimiin yihiin, nidaamkuna uu fulinayo Shareecada balse wax ka dhiman yihiin.
4. In la qaabeeyo oo la qorsheeyo ka qaybgalkalga siyaasadda, iyada oo loo raacayo;
 Ku baraarujinta dadweynaha muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka siyaasaddu iyo in ay tahay mid saamaynaysa dhammaan qaybaha noloshooda sida dhaqaala Iwm.
 Diyaarinta hoggaamiyayaal u diyaarsan metelaadda bulshada qiyamkeeda iyo diinteeda.
 Samaynta xarumo saamayn leh, jiko siyaasadeed iyo kooxo cadaadis [Pressure Groups] si saamayn toos ah loogu yeesho go’aan gaarayaasha.
5 |Madasha Fikirka |Kulanka 3aad |November 01, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
GUNAANAD
____________
Dooddu waxa ay kusoo idlaatay si qurux badan. Gunaanadka doodda ayaa diiradda lagu saaray talo soojeedinno Xarunta Bayaan iyo guud ahaan muslimiinta ku nool dalalka reer galbeedka ee laga tirada badan yahay. Dhanka kale kasoo qaybgalayaasha kulanka ayaa weydiimo weydiiyay culimada.
Ugu danbaynna, Sh. Maxamed Shucayb oo kamid ah maamulka –BRC-, kulankana daadihinayay ayaa uga mahadceliyay dhammaan dhegeystayaashii iyo kasoo qayb galayaashii doodda oo ay ugu horreeyeen culimadii qiimaha badnayd ee martida ku ahayd Kulankii 3aad ee Madasha Fikirka ee BRC. Dhanka kale Shucayb ayaa sheegay in kulan kale oo dooddan dhammaystiraya ay qaban doonto BRC. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in BRC oo kaashanaysa Ayaana, Ummah iyo Muslim Coalition iyo dhammaan qaybaha bulshada ay diyaarindoonaan wasiiqo gundhig u noqoto bulshada Soomaaliyeed oo ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda.
Haddaba doodda oo faahfaahsan oo dhammaystiran lifaaqa hoose ka dhegayso:
https://www.facebook.com/BRC.Center/videos/587076969198752

1 thought on “Kulanka 3aad Madasha Fikirka”

Leave a Comment

Your email address will not be published.