Qorshaynta Daryeelka Caafimaadka Nolosha

See Full Article

“Qorshaynta Daryeelka
Caafimaadka Nolosha”
Dr. Maxammad Aadan
Bayan Research Center
7/10/2021
DOODAHA BAYAAN
1 |Madasha Wacyigelinta |Dr. Maxammed Aadan | July 10, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
2 |Madasha Wacyigelinta |Dr. Maxammed Aadan | July 10, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
ARAR
Xarunta Cilmibaarista Bayaan oo ah xarun bulsheed, oo aan faa’iido doon ahayn, isla
markaana abuuraysa deegaan aqooneed togan, kuna qotoma dadka iyo aragtiyaha, iyada oo
loo marayo abuurista baraarug, diyaarinta hoggaamiyayaal, iyo dhisidda bulshada, waxa ay
soo qabanqaabisay kulankaan oo qayb ka ah muxaadarooyinka bayaan ay wacyiga bulsheed
kor ugu qaadayso. Muxaadiradaan ayaa cinwaankeedu yahay “Qorshaynta Daryeelka
Caafimaadka Nolosha/ End of Life Care Planning”. Muxaadiradaan ayaa ka turjumaysa
arrimaha soo noqnoqda oo ay tahay in laga sameeyo dood iyo cilmibaaris. Muxaadirada ayaa
diiradda saaraysa 2 dhinac oo kala ah dhanka Diinta iyo dhinaca Caafimaadka, Xarunta
Bayaan waxa ay u mahadcelinaysaa Dr. Maxammed Aadan oo runtii muxaadiradaan caawa
marti noogu ah.
Doodda waxaa daadihinayay isla markaana qaybinayay hadalka; Sh. Maxammed Shucayb
oo kamid ah aasaasayaasha – BRC- ahna Guddoonka guud ee Xarunta.
ARAR
Dr. Maxammed Aadan ayaa ku bilaabay muxaadirada in uu sharraxo erey-bixinno ay
muhiim tahay in la fahmo si loo weeleeyo biyo-dhaca muxaadarada. Erey-bixinnadaas waxaa
kamid ahaa:
 Palliative: Daweynta cabashooyinka cudurka ee qofku sheeganayo.
 Care: Daryeel
 Palliative Care: Waa hab daryeel caafimaad oo u jeeddadiisu tahay in silicii
xanuunku keenay laga yareeyo, iyo in qofka laga caawiyo sidii uu uga nefisi lahaa
cabashooyinka cudurka haya [sida; xummadda, neef-tuurka, lalabada, iyo mantagga]
 Curative Care: Ujeeddadiisu waa in uu bogsado bukaanku si uu usii noolaado
Dr-ka ayaa sheegay in Palliative Care uu jiray beri-samaadkii, waxaana loo adeegsan jiray
malabka la qaato, ama in qofka la mantajiyo oo loo raaxeeyo. Nebiga NNKH oo arrintaas
caddaynayana wuxuu yiri: إن الحمى من فيح جهنم، فابرُدوها بالماء
Kolka qofka xanuun ku dhaco dhakhtarku waxa uu u kala qaybiyay saddex xaaladood mid
kood in uu noqonayo xanuunkaasi:
1. Acute Condition: waa xaalado xanuunka/ cudurka la ciribtirikaro ama la dawayn
karo.
2. Chronic disease: waa xaalado xanuunka/ cudurka aan la ciribtirikarin balse la
xakamayn karo, se qofku uu la noolaanayo xanuunka.
3. Life threatening condition: waa xaalado xanuunka/ cudurka aan la ciribtirikarin ama
waxba laga qaban karin oo nafta halis gelinaya.
3 |Madasha Wacyigelinta |Dr. Maxammed Aadan | July 10, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
Dhanka kale, Dr. Maxammed Aadan ayaa sheegay maadaama naftu markasta dhimanayso in
ay mudan tahay in loo diyaar garoowe geerida, isaga oo kusoo ururiyay diyaargarowgaas:
 Towbada iyo acmaasha wanaagsan
 Xuquuqda aadanaha [ gefka, daynta iwm]
 Hantida [dardaaranka iwm]
 Dardaaranka aaska/ godka lagu aasayo
 Dardaaranka daryeelka caafimaadka.
GO’AANNADA DARYEELKA CAAFIMAADKA:
Go’aan qaadashada daryeelka caafimaadka ee bukaanku wuxuu ku xiran yahay:
– Garaadkiisa – in uu miyir qabo
– Aqoontiisa – waa in uu garanayo daawada uu qaadanayo iyo xanuunka haya
– Rabitaankiisa tayo nololeed – qiraal ama qoraal
– Fahankiisa qaababka la tacaamulidda
– Talooyinka dhakhaatiirta
– Doorashadiisa
DARDAARANKA DARYEELKA CAAFIMAADKA:
Dardaaranka Daryeelka Caafimaadka [Advanced Care Planning – ACP] waa qaab qoraal oo
qofku ku qeexayo – inta uu fiyowyahay – sida uu doonayo in loola tacaalo haddii uu miyir
beelo ama afku juuqda gabo.
Tusaale ahaan: qod da’ ah ayaa waxaa kusoo booday xanuun, qofkaasi ma hadli karo, ma
xaajo gudan karo, ma dhaqaaqi karo, afkana wax kama qaadan karo!
FAA’IIDOOYINKA DARDAARANKA DARYEELKA CAAFIMAADKA:
[Tasho ama waa laguu tali]
1. In qaab aadan rabi lahayn jirkaaga loola tacaalin.
2. In aadan xaalad aadan jeclaan lahayn aadaan ku noolaan.
3. In qoyskaagu isu calool fayoobaado oo uusan isu caroon.
4. In qoyskaagu aysan ka niyad xumaan go’aanka ay qaataan, maadaama aysan garanayn
sida aad jeclaan lahayd.
4 |Madasha Wacyigelinta |Dr. Maxammed Aadan | July 10, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
QORSHAYNTA DARYEELKA CAAFIMAADKA NOLOSHA:
وَجَاءَتْ سَكْرَة الْمَوْتِ بِالْحَ قِ ذَلِكَ مَا كُنْتَ مِ نهُ تَحِيد *ُ
Waa daryeel ku aaddan in qofka laga garabsiiyo silica iyo sakaraadka iyo siduu nefis u
dareemi lahaa maalmaha u dambeeya noloshiisa.
KAALINTA CULUMADA DIINTA EE DARYEELKA CAAFIMAADKA:
 Sabasrsiinta iyo taakulaynta bukaanka – xagga niyadda iyo xag kaleba.
 Ka caawinta silica nafsadeed – Spiritual Pain.
 Siinta talooyin Diineed – gaar ahaan go’aannada caafimaad.
 U la qinidda Shahaadada gunaanadka noloshiisa.
 Garab istaagga qoyska bukaanka.
 U diyaar garowga geerida.
 Ka warqabidda qoyska marxuumku ka baxay – Grief Counselling.
GUNAANAD
____________
Muxaadaradu waxa ay kusoo idlaatay talo bixin iyo dardaaran. Guud ahaanna waxaa diiradda
lagu saaray sidii bukaanka macnawi ahaan loo daweyn lahaa iyo sidii maaddi ahaanba loo
garab istaagi laha. Kulanka waxaa kasoo qayb galay dhakhaatiir iyo culimo waaweyn oo uu
ka mid ahaa Sh. Yuusuf cabdulle – kamid ah Culimada Masaajidka Abuubakar, ahna
guddoomiyaha Hay’adda Ayaan – iyaga oo bogaadiyay sida Dr. Maxammed Aadan uu isugu
dheelli tiray muxaadarada, isaga oo isku dhafaya dhan diineed iyo dhan caafimaad ba. Dhanka
kale, Sh. Yuusuf cabdulle ayaa si gaar ah u tilmaamay in culuumta aadanaha oo dhan loo
baahan yahay in la Islaamiyo, taas oo ay horay culimada Islaamku ugu dhiirratay, sidoo kale
waxa uu Shiikhu u mahadceliyay Xarunta Bayaan oo shaqadaan abaabulkeeda lahayd…
Ugu danbaynna, Sh. Maxammed Shucayb oo kulanka daadihinayay ayaa uga mahadceliyay
dhammaan dhegeystayaashii iyo kasoo qayb galayaashii doodda oo ay ugu horreeyeen
culimada iyo dhakhaatiirtu…
Haddaba doodda oo faahfaahsan oo dhammaystiran lifaaqa hoose ka dhegayso:

5 thoughts on “Qorshaynta Daryeelka Caafimaadka Nolosha”

Leave a Comment

Your email address will not be published.