FURITAANKA XARUNTA CILMIBAARISTA EE BAYAAN

“ Hadal-jeedinta Dr. Cabdulkariim Bakaar” |Xafladda Furitaanka |Martida 1aad |Dr. Bakaar | Jannaayo 10, 2021
ARAR
Xarunta Cilmibaarista Bayaan oo ah xarun bulsheed, oo aan faa’iido doon ahayn, isla markaana abuuraysa deegaan-aqooneed togan, iyada oo loo marayo abuurista baraarug, diyaarinta hoggaamiyayaal, iyo dhisidda bulshada, waxa uu daah furkeedu ahaa Jannaayo 10, 2021. Daahfurka xarunta oo hab ZOOM ah loo qabtay ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoonyahan, culimo, mufakiriin iyo masuuliyiin ka mid ah madaxda xarunta.
Bayan Research Center
|Xafladda Furitaanka |Martida 1aad |Dr. Bakaar | Jannaayo 10, 2021 |http://www.Bayanresearch.org/
2
Waxaa ka mid ahaa haldoorkii kasoo qayb galay munaasabaddii furitaanka Dr. Cabdulkariim Bakaar (1)
Kelimadda Dr. Cabdulkariim Bakaar ayaa ku bilaabatay qeexitaanka xarumaha cilmabaarista:-
‘‘in xarumaha Bayaan lamidka ah ay yihiin hay’ado ka shaqeeya cilmibaarista iyo daraasadaha ku wajahan dadka go’aan-gaarayaasha ah. sidoo kalena ay ka shaqeeyaan kobcinta wacyiga iyo iftiiminta dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha sida dhinacyada waxbarashada, anshaxa, ilbaxnimada, siyaasadda iyo dhanka bulsheed. Intaas oo ay u dheer tahay in ay caddeeyaan caqabadaha, oo ay dhilaan isla markaana xalalkooda soo bandhigaan’’
Sidoo kale Dr-ku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in xarumaha cilmibaaristu ay kol la arkaba ku hawllan yihiin danta guud, maadaama ay madax bannaan yihiin, xagal siyaasadeed oo gaar ahna aysan u janjeerin.
MUHIIMADDA XARUMAHA CILMIBAARISTA
________________________________
Horudhacii kadib, Dr. Cabdulkariim Bakaar, waxa uu si kooban u sharraxay muhiimadda xarumaha cilmibaarista isaga oo kusoo ururiyay Xarumaha Cilmibaaristu:-
 In ay gorfeeyaan dhibaatooyinka jira, iyaga oo si qoto-dheer u lafa guraya.
 In ay odorosaan waayaha soo wajahan iyo mustaqbalka fog.
 In ay ka qayb qaataan kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo isbeddelada nabdoon.
 In ay soosaaraan warbixinno iyo daraasooyin ku qotoma baahida bulshada.
Dr. Cabdulkariim Bakaar, isaga oo bartamaha kaga jira muhiimadda ay leeyihiin Xarumaha Cilmibaaristu ayaa waxa uu raaciyay dhibaatooyinka mudan in bulshooyinka Muslimka ahi ay daraaseeyaan ay ka mid yihiin:
1. Jahliga iyo ka jeensashada wax akhrisa. 1 Dr. Cabdulkariim Bakaar waa mid ka mid ah qorayaasha, mufakiriinta ugu waaweyn ee u heellan wax ku darsiga dhinacyada waxbarashada iyo fikirka Islaamka, isaga oo si asali ah oo la cusbooneeyay usoo bandhiga arrimo la xiriira ilbaxnimada, arrimaha horumarka, fikirka, waxbarashada iyo shaqada dacwada. Dhinacyadaasna waxa uu ka qoray dhiganayaal gaaraya 40 buug.

Bayan Research Center |Xafladda Furitaanka |Martida 1aad |Dr. Bakaar | Jannaayo 10, 2021 |http://www.Bayanresearch.org/

Leave a Comment

Your email address will not be published.