Maamul-goboleedka Galmudug sidee la gudboon in ay ula xaasho Xoogagga Suufiyada ee soo laba-kacleeyay?

See full article

Maamul-goboleedka Galmudug sidee la gudboon in ay ula xaasho Xoogagga Suufiyada ee soo laba-kacleeyay?
_____________________________________
12/11/2021
Bayan Research Center – BRC
_____________
Bayan Insights:
Waa falanqayn bille ah oo lagu dhilo isbeddellada waaweyn ee la xiriira siyaasadda iyo amniga ee ka dhaca Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Home


Page 1
Maamul-goboleedka Galmudug sidee la gudboon in ay ula xaasho Xoogagga Suufiyada ee soo laba-kacleeyay?
Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Guriceel oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ay ka qarxeen dagaallo u dhaxeeyay ciidammada Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhinac ah iyo ciidammada maamul goboleedka Galmudug oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale waxa uu dagaalkaasi u geystay dhimasho iyo dhaawac tobannaan qof, kuna khasbay kumannaan kale in ay ka qaxaan magaalada. ASWJ iyo dowladda Soomaaliya oo hore xulufo ugu ahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayuu xiriirkoodu sii xumaanayay sannadihii ugu dambeeyay, sababo la xiriira kala aragti-duwanaan siyaasadeed.
Iyadoo tallaabada dowlad goboleedka Galmudug ay awoodda ugu adeegsanayso kooxdan loo arki karo in ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo, haddana tallaabadan waxay halis u tahay in ay gobolka ku riixdo colaad ballaaran oo laga yaabo in ay yeelato muuq qabiil iyo mid aydhiyoolojiyadeed. Waa se in dadaalka dhexdhexaadinta la xoojiyaa si kooxda loogu qanciyo in ay hubka dhigaan. Sidoo kale, dadaalka kalsooni-dhisidda waa in aan laga daalin iyadoo la adeegsanayo heshiisyada-dowladeysan (institutionalized agreements) kuwaas oo u gogol xaaraya in kooxdu ku gaadho damaceeda siyaasadeed iyadoo u maraysa hab sharci ah iyo tab nabadeed.
Arar
Kooxda suufiyada ah ee ASWJ, ilaa 2019, waxay xulafo la ahayd dowladda federaalka, waxayna taageero ka heysteen saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, taas oo ay ugu wacan tahay sida ay ugu qanacsanaayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo iyada oo bulshada caalamka qaarkood u arkayeen dhaqdhaqaaq Islaami ah, isla markaana qunyar socod ah oo aan caqabad ku ahayn danaha caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, kadib markii la isku fahmi waayay awood qeybsiga maamulka Galmudug ee ku aaddanaa doorashadii 2019-kii, ayaa ASWJ waxaa kala diray ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kadib dagaal kharaar oo dhexmaray labada dhinac. Dhammaan magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada ASWJ waxay noqdeen kuwo hoos yimaada maamulka Galmudug, oo ah jihada sharciga ah ee awoodda u leh in ay maamusho deegaanka. Iskusoo wada duuboo, madaxda ASWJ ayaa dhawaan ka soo laabtay bannaan-joognimadii, waxayna dib u soo uruuriyeen dagaalyahannadoodii, waxayna u dhaqaaqeen sidii ay dib ugala soo wareegi lahaayeen dowladda dhulkii ay sheeganayeen. Waxayna ku eedeeyeen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo loo yaqaan “Qoor-qoor” in uu ka gaabiyay in uu shacabka ka difaaco Al-shabaab, taas oo ay marmarsiiyo uga dhiganayaan in ay faraha kula jiraan arrimahaas, iyaga oo doonaya in ay dib u soo ceshadaan degaannadii ay hore uga qabsadeen maamulka deegaanku.
Page 2
Siyaasiyiinta iyo dadka wax falanqeeya ayaa si isku mid ah uga hadlay sheegashada ASWJ ee ah in ay shacabka ka difaacayaan Al-Shabaab, iyagoo ku gabbanaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah, si ay saameyn ugu yeeshaan degaanka ka hor doorashada Baarlamaanka Federaalka ee dowladda Galmudug. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isaguna cambaareeyay rabshadaha, wuxuuna ka codsaday ASWJ in ay ixtiraamto dowladda Galmudug ee sharciga ah.
Xididdada ASWJ:
ASWJ in kasta oo ay sida caadiga ah ay ku hawllanaayeen dhaqammada suufiga ah, waxay isu abaabushay koox hubaysan bartamihii 2000, si ay isaga difaacdo xad-gudubyada Al-Shabaab, oo ay ku jiraan xad-gudubyadii ka dhanka ahaa dhaqankooda diineed iyo burburinta qabuuraha Awliyada Suufiyada ASWJ ee aadka loo ixtiraamo. Al-Shabaab iyo ASWJ midba midka kale wuu neceb yahay, iyada oo Al-Shabaab ay ASWJ iyo guud ahaan Suufiyada u arkaan Gaalo iyo Bidco-quudato, halka ASWJ iyana ay Al-Shabaab u aragto Khawaarij, oo ah firqo soo ifbaxday bilowgii hore ee Islaamka, taas oo caan ku ahayd xag-jirnimadooda. Wadaagista rumaysnaanta suufiyada oo ay hogaaminayaan Culimaa’uddiinka soo jiidashada leh, ASWJ waxay u suurtagelisay in ay qortaan dagaalyahanno oo ay abaabulaan agab iyo hub si ay isaga caabiyaan khatarta Al-Shabaab. Al-Shabaabna, waxay u aragtaa ASWJ iyo dowladda Soomaaliya cadow guud oo u siman; sidaas darteed, waxaa lagama-maarmaan noqotay isbahaysi lagula dagaallamo kooxda xagjirka ah. Isbaheysigaasi si kastaba ha ahaadee, wuu burburay kolkii awoodda sii kordheysa ee ASWJ ay ku dhiirrigelisay in ay dalbato saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Galmudug 2019kii, oo xitaa ay usoo bandhigeen hoggaamiyahoodii Sheekh Maxammed Shaakir Cali in uu noqdo musharrax madaxweyne!. Inkastoo Madaxweyne Qoor-Qoor oo ahaa musharraxii ugu mudnaa – dhanka Villa Somalia – loo doortay madaxweynaha Galmudug, haddana natiijadii doorashada way khilaafeen kooxda Suufiyadu, taa beddelkeedana waxay ku dhawaaqday Sheekh Shaakir in uu yahay madaxweynaha dhabta ah ee dowlad goboleedkaas. Tani waxay jaangoysay dadaalladii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya, oo ciidan soo uruurisay, weerarna ku qaadday fariisimaha Madaxda ASWJ, taasi oo meesha ka saartay xoogag muhiim ahaa oo lid ku ahaa maamulka madaxweynaha dowladda Galmudug Qoor-Qoor. Markii laga adkaaday, hoggaamiyayaasha ASWJ, oo uu ku jiro hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda Shaykh Maxamuud Shaykh Hassan Faarax, waxa ay noqdeen bannaan-joog.
Soo labo-kaclayn Siyaasadeed:
Markii ay soo dhowaadeen doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo in badan la wada sugayay, ayay madaxda Suufiyadu dalka dib ugu soo laabteen, waxayna u yimaadeen Siyaarada – oo ah xuska sanadlaha ah ee Awliyada – mid ka mid ah Awliyadooda oo lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Dir. ASWJ ayaa munaasabaddan u adeegsatay in ay abaabulaan dagaalyahanno si ay u ilaaliyaan muwaadiniinta, oo uu ku fashilmay Madaxweyne Qoor-Qoor oo awoodi waayay in uu ka ilaaliyo bulshadiisa maleeshiyada Al-Shabaab, waa sida ay kooxdani kuu doodayso e. Dadka ay qorteen waxaa ka mid ah dagaalyahannadii hore ee ASWJ ee lagu daray ciidammada nabadda Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya
Page 3
(XDS). 1-dii Oktoobar, ASWJ waxay la wareegtay gacan ku haynta magaalada Guriceel iyo tuulooyinka u dhow qaarkood. “Waxaannu ka jawaabnay baaqii muwaadiniinta annagoo u nimid in aan xoreyno dhulkaas,” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo la hadlay BBC-da. Laakiin, goobihii ASWJ weerartay waxay ahaayeen kuwo ay dowladdu maamusho. Kolkaas, Soomaali badan ayaa is waydiisay cidda ay muwaadiniinta ka xoraynayaan?!
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ayaa markii hore isaga baxay magaalada si ay dib ula wareegaan kolka uu soo gaaro gurmad Muqdisho uga imanayay oo isugu jiray ciidammo iyo saanad, kaasoo ka soo degayay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb. Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Galmudug Axmed Fiqi oo horay xilka isaga casilay isagoo ka caraysan go’aankii maamulkiisa ee ahaa dagaal ka dhan ah ASWJ ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Qoor-Qoor in uu dagaal ka door biday in nabad lagu dhammeeyo colaadda. Wararku waxa ay sheegayaan in ASWJ ay ku gacan seyrtay waanwaan ay odayaasha beelahu ku doonayeen in lagu wareejiyo magaalada, taasi oo dhabbaha u xaartay weerarka ciidamada XDS oo gacan ka helayay kuwa Galmudug. Xaalada ayaa deggan tan iyo markii ASWJ ay isaga baxday magaalada 27-kii October, kadib dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay sameeyeen ganacsatada deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, khatarta soo noqoshada iskahor-imaadyo kale ayaa weli ah mid sarreeya.
Waxaa xusid mudan in ASWJ ay leedahay damac siyaasadeed, sida lagu arkay isku daygii hore ee ay ku doonaysay in ay ku yeelato saami kuraasta Baarlamaanka, si ay usoo saarto musharraxeeda u taagnaa xilka madaxweynaha Galmudug. Iyada oo doorashooyinku ay soo dhowaanayaan, dad badan ayaa aaminsan in soo laba-kaclaynta ASWJ ay tahay isku day ay kooxda hubaysani ku doonayso in ay ku soo noqoto masraxa siyaasadda. Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay qalalaasaha ka taagan Galmudug, maadaama ay dib u dhac ku keenayso dhammaystirka hannaanka doorashada, isla markaana ay sababayso in laga weecdo la dagaallanka Al-Shabaab.
Awoodda Dowladda:
Siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug ayaa ku kala aragti duwanaa qaabka uu maamulku u maareynayo ASWJ, balse waxa ay isku raaceen in kooxdan ay dooneyso in ay dib ugu soo laabato siyaasadda. Intaa waxaa dheer, xitaa kuwa la dhacsan ASWJ, waxay ku adkaysanayaan in kooxdu ay ku raadiso yoolalkeeda siyaasadeed hab nabadeed oo sharci ah.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ku ah dowladda ayaa ku ammaanay maamulka Galmudug sida ay Guriceel uga xoreeyeen kooxdan burcad-diimeedka ah, isagoo ula jeeda ASWJ, isaga oo sheegay in midnimada Galmudug ay tahay muqaddas. Dhanka kale, Xildhibaan C/xakiim Maalin ayaa ASWJ ku eedeeyay in ay dagaal daandaansi ah ku qaadday deegaanno xasilloon, ayna ku awr-kacsanayaan dhallinyarada si ay u gaaraan hadafyo siyaasadeed. Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon ayaa dhankiisa soo dhoweeyay biseylka ASWJ ay ku aqbashay baaqyada ah in ay isaga baxaan Guriceel, wuxuuna ku boorriyay madaxweyne Qoor-Qoor in uu fursaddaas uga faa’ideysto in kooxda suufiyada wada-hadal lagala galo sidii loo horumarin lahaa Galmudug. Musharraxa Madaxweyne ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur : “Dadaalka dhexdhexaadintu
Page 4
wuu soo daahay”. Wuxuu ugu baaqay ASWJ in ay ixtiraamto dowladnimada Galmudug. ASWJ waxay u muuqataa mid albaabadu kasoo xirmayaan, maadaama indhaha lagu eegayo ay yihiin kuwo u muujinaya fallaago la loollamaysa maamulka sharciga ah ee deegaanka, halkii ay dadka deegaanka ka xoreyn lahaayeen Al-Shabaab.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo khudbad jeediyay ayaa isna ASWJ ku eedeeyay in ay ka soo horjeedaan horumarka Galmudug, wuxuuna ugu baaqay ururka in ay tabashooyinkooda ku xalliyaan qaab sharci ah, ayna ixtiraamaan dowladnimada iyo midnimada Galmudug. Hoggaamiyaha ayaa sheegay in dowladdiisu aysan u dulqaadan doonin qof kasta oo “hubka si sharci darro ah u haysta, iskaba daa in uu magaalo weeraro e.”
Mudnaansiinta Amniga:
Iyadoo aan lagu murmi karin in dowladdu tahay cidda kaliya ee leh awoodda difaaca iyo qaadashada hubka. Hadanna, hoggaanka Galmudug waa in uu wax badan ka qabtaa sidii dadka deegaanku aysan ugu raaci lahayn si sahal ah baaqyada ah in ay hubka qaataan si ay isaga difaacaan weerarrada Al-Shabaab. ASWJ iyada oo ku hubaysan caqiidada suufiga ah ee soo jiidashada leh oo kaashanaysa mayal-adagta raacsan, waxa ay awoodday in ay dib isu ururiso, si la mid ah sidii ay u kusoo ifbaxday bartamihii 2000 iyadoo koox hubaysan ah. Dhanka kale, iyaga oo xasuusanaya dadku sannadihii nabadda ee ay ASWJ gacanta ku haysay deegaanka, dadkii deegaanku si degdeg ah ayay uga jawaabeen baaqii maleeshiyada ee ahaa in ay hubka qaataan mar kale. Sidaas darteed, madaxweyne Qoor-Qoor haddii uu doonayo in uu dadka deegaanka ku qanciyo in ay aqbalaan sharcinimada dowladda iyo in kaligeed ay wax hubayn karto, waa in uu ka dhigo mudnaantiisa 1-aad sugidda amniga Galmudug!.
Siyaasadda loo dhan yahay:
Arrinta diinta ka sokow, colaadda hadda jirta, sida dhammaan colaadaha Soomaalida, waxa ay leedahay janjeer qabiil. Madaxda Galmudug na waa in ay ogaadaan in gacan ka hadal la isticmaalo uu kicin karo dareen qabiil, taas oo ka dhigaysa tubta loo marayo wada-hadalka mid aan sii waarin mustaqbalka fog. Haddiise si wanaagsan looga faa’ideysto, ASWJ waxay kaalin mug leh ka ciyaari kartaa amniga iyo xasilloonida dowladda Federaalka ah. Waana in la gaaraa heshis-hay’adaysan oo lagu qancinayo maleeshiyaadka suufiyada in ay hubka ka tanaasulaan kana qayb qaataan siyaasadda gobolka. Waxaa xusid mudan in kooxdu ay aqbashay 2019kii, in ay saxiixdo ilaa 5,000 oo dagaalyahan si ay ugu biiraan CXDS.
Iyada oo dadka degganka intooda badani ay taabacsanyihiin ASWJ fikrad ahaan, in heshiis lala galo kooxdan ayaa ka caawin karta maamulka Galmudug helista ciidammo cusub iyo dhaqaale. Dhanka kale, iyadoo aan la ogeyn halka uu ka yimid dhaqaalaha iyo hubka ASWJ ay dhawaan kula dagaallantay dowladda, ayaa madaxweyne Qoor-Qoor sheegay markii uu Guriceel dib u qabsaday in uu aad uga xun yahay in hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo uusan magacaabin ay taageeraan kooxdaas.
Page 5
Laakin Xildhibaan Fiqi ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dhaqaalaha kooxdan laga soo uruuriyo dadka deegaanka ee la dhacsan kooxda, wuxuuna meesha ka saaray in wax taageero shisheeye ah uu jiro. Iyadoo Soomaalidu ay caan ku tahay in ay u dhego nuglaadaan baaqyada diiniga ah iyo kuwa qabiilka, haddana sheegashada xildhibaanku maaha mid aan waxba ka jirin. Iyada oo loo marayo ku lug yeelashada ASWJ ee siyaasadda maxalliga ah, madaxweyne Qoor-Qoor waxa uu u adeegsan karaa hoggaanka Suufiyada si uu u horumariyo danaha dowladda.
Gunaanad (Maxaa Xal Ah?)
Maleeshiyadu waxa ay iskaga baxeen magaalada Guriceel kadib dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay sameeyeen ganacsato. Iyadoo ciidammada dowladdu ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada, ayaa haddana dagaalka si rasmi ah loo soo afjarin. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka dhawaajiyay in ay diyaar u yihiin in ay la fariistaan kooxdaasi, balse waxa uu ku adkeystay in ay dagaalka joojiyaan. Walow la fahmi karo mowqifka hoggaamiyaha Galmudug, sidoo kale, waa inuu wax ka qabtaa dhibaatooyinka amni ee dadka reer Galmudug haddii uu doonayo in uu kasbado taageerada shacabka. Dadka dhaliila ayaa ku eedeeyay madaxweyne Qoor-Qoor in uu waqtigiisa ugu badan ku qaatay magaalada Muqdisho, isla markaana uu dayacay shaqadii loo igmaday ee ahayd in Galmudug uu meel sare gaarsiiyo. Intii uu xilka hayay, waxaa sidoo kale sare u kacay weerarrada Al-Shabaab. Walaaca noocaan oo kale ah in uu ka dhexjiro bulsho u daacad-noqoshada shakhsiyaadka iyo kooxaha inta badan ay ka sarreyso u heellanaanta dowladda, waxay halis u tahay in looga faa’iidaysto hab wax u dhimi kara mashruuca dowlad-dhisidda.
Si kastaba ha ahaatee, dowladdu waxa ka wajahaysaa khatar amni oo weyn Al-Shabaab, mana awooddo in ay la dagaallanto ASWJ. Kolkaa, dhaqaalaha iyo askarta loo adeegsanayo dagaalka ASWJ ayaa loo baahan yahay si looga hortago khatarta Al-Shabaab. ASWJ waxay haysataa diiwaan la hubo oo lagu kalsoonaan karo kuna aaddan dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al-Shabaab. Hoggaanka Galmudug waa in ay si maangal ah wax uga qabtaan tabashooyinka kooxda suufiyada, oo ay askartooda hawlgeliyaan si loogu sugo amniga gobolka. Maleeshiyada suufiyadu waxay aqbaleen sannadkii 2019kii in boqollaal dagaalyahannadooda ka mid ah ay ku biiraan ciidammada XDS, taas oo muujinaysa in ay diyaar u ahaayeen in ay la shaqeeyaan dowladda. Muranka ay ka qabaan doorashada Galmudug ee uu Qoor-Qoor xukunka kula wareegay ayaa loo arkayay khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo maamulka cusub ee la doortay oo ay taageeraysay DFS. Natiijo ka dhalatay arrintaas, ayaa saldhigga ASWJ la weeraray, sidaas ayaana dhaqdhaqaaqii ku burburay. Iyadoo dadka qaarkiis ay marmarsiinyo u samayn karaan tallaabada uu qaaday madaxweyne Qoor-Qoor, se waxay ahayd in wada-hadallada la xoojiyo oo hortebinta la siiyo danta guud.
Page 6
Ugu dambeyn, maamulka Galmudug waa in uu ka shaqeeyaa dib u soo celinta kalsoonida ASWJ, isla markaana uu ku dadaalo sidii looga fogaan lahaa in xoog loo adeegsado, taasoo khatar ugu jirta in ay kooxda ku riixdo in ay qaataan xeelado jabhadeed mar haddii ay awoodi waayeen in ay si toos ah ula dagaallamaan ciidammada Galmudug iyo kuwa XDS. Ka-qaybgalka kooxda ee wada-hadalkana waa in mudnaanta la siiyaa si looga fogaado khataraha kor ku xusan. Sidoo kale, dowladdu waa in ay taageertaa ganacsatada, siyaasiyiinta, iyo odayaasha beelaha si ay u xoojiyaan dadaallada dhex-dhexaadinta, si ay ASWJ usoo wareejiyaan hubkooda, una ixtiraamaan maamulka Galmudug ee sharciga ah, isla markaana loo adeegsado tabo nabadeed oo sharci ah si loo xalliyo tabashooyinkooda. Culimada kale ee suufiyada iyo hogaamiyayaasha haysta kalsoonida dowladda iyo tan ASWJ-na waa in ay hoggaamiyaan dadaallada dhex-dhexaadinta.
Waxaa diyaariyay:
Ibraahim Mukhtaar: Cilmi-baare iyo falanqeeye Arrimaha Geeska Afrika. Ka dhigta Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit; PhD – Xiriirka Caalamiga ah.
M. S. Axmed: Cilmi-baare, ka dhigta Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit; PhD – Cilmiga Siyaasadda.

Leave a Comment

Your email address will not be published.