KA QAYB-GALKA SIYAASADDA EE JAALIYADAHA SOOMAALIYEED Kulanka 2aad

See Full Article

Sida aan wada ognahay siyaasaddu waa rukun weyn oo ka mid ah rukunnada diinta Islaamka, waxaanna aaminsannahay in ay ka mid tahay baababka fiqiga iyo cilmiga, waliba ay horseed u tahay meelaha ummadaha laga hoggaamiyo oo laga hago, si ay u xaqiijiyaan horumar adduun iyo mid aakhiroba. Sidaas darteed waxaan dareemaynaa in bulshooyinkeenna iyo jaaliyadaheenna soomaaliyeed ay kasoo qaxeen waddamadoodii unasoo qaxeen dhinacaas reer galbeedka sida; Kanada, Maraykanka, Yurub iyo Ustureeliya. Waxayna ku negaadeen waddamo aan kuwoodii ahayn, isla markaasna ay ka noqdeen dad laga tira badan yahay – Aqalliyaad- halkaas oo ay ku barbaareen oo ay ku ballaarteen, ilaa jiilkii koowaad uu maanta jiilkii labaad hoggaanka ku wareejinayo. Haddaba bulshooyinkeennu marka ay dibadaha ku noolyihiin waxay la kulmaan duruufo siyaasdaeed, iyo kuwo bulsho, waxaana soo foodsaara duruufo ka dhaqan duwan qaabkii hore oo ay u noolaayeen, sida bulshooyin saqaafooyin kala duwan leh. Jaaliyadaha muslimka ahna waxay noqdeen kuwo aan ka go’ikarin marnaba bulshooyinka ay la noolyihiin. Haddaba, mushkiladdu waxay ka imaanaysaa in jaaliyadaha Soomaaliyeed ama muslimka ahi ku dhex noolyihiin bulshooyinkaas iyaga tiro badan ku jooga, mug doorasho oo culusna leh, muddadaan dambena codaynta iyo siyaasadda isbeddel weyn ka muujiyay. Labo cilladood ayaase mar walba hor yimaada jaaliyadaha Soomaaliyeed ama muslimiinta guud ahaan, kuwaas oo ah:
1. In dhulalka reer galbeedka ay muddadaan danbe kusoo badanayaan loollanka iyo fikradaha isu-bahalagelinta Islaamka [Islamophobia], ama dadka jaaliyadaha nacayb u qaba, taas oo dhalinaysa loollan siyaasadeed oo cunsuriyad ku qotoma, iyada oo dadka jaaliyadaha ah xuquuqdooda madaniga ah ee assaasiga ah dhaawacaysa.
2. Jaaliyadaha muslimka ah ama kuwa Soomaaliyeed mahaystaan tijaabo ama waayo-aragnimo siyaasadeed oo islaami ah, oo sugan oo ay kaga daydaan habka ay siyaasadda uga qayb-qaadan karaan.
Haddaba iyada oo laga duulayo arrimahaas oodhan, ayaa Xarunta Cilmibaarista Bayaan waxay soo qaban qaabisay kulankii 2aad ee Madasha Fikirka, iyada oo casuntay qayb kamid ah xiddigaha iyo indheergaradka culimada Soomaaliyeed si ay dooddan uga qayb-qaataan.
Doodda waxaa daadihina isla markaana qaybinayay hadalka Sh. Maxamed Shucayb oo ah Madaxweynaha –BRC-. Halka marti dooddu ay ahaayeen:-
1. Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir – Canada –
2. Dr. Sh. Maxamuud Shibli – Kenya-
3. Sh. Cabdirisaaq Xaashi – USA –
Dooddan oo ay ka horraysan mid gogol dhig ah oo looga hadlay fahanka siyaasadda sharciga ah, seeska siyaasadda ee masaalixda iyo mafaasidda Iwm. Balse dooddan ayaa ahayd mid toos u abbaaraysay weydiimo ay qabeen bulshadu oo kusoo laablaabta inta badan. Su’aalahaas ayaa sidaan u kala horreeyay:-
3 |Madasha Fikirka |Kulanka 2aad |Maalin Axad ah |Agoosto 22, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
1. Qofka muslimka ah ma u bannaan tahay sharci ahaan, in uu xil u qabto ama loo doorto xil siyaasadeed ee uu u qabanayo dad aan Islaam ahayn?
Culimada ayaa guud ahaan su’aashaas kaga jawaabay HAA. Iyaga oo sii raaciyay in markasta ay u baahan tahay arrintaasi sharci ahaan in qofka looga baahan yahay shuruudo iyo lawaazim ay tahay in la ilaaliyo. Dhanka kale, culimadu waxa ay sheegtay in arrintaasi aysan ahayn mid ugub balse xilligii Nebi Muxammad NNKH iyo kadib ba ay dhacday. Culimada ayaa tusaalayaal sooyaaleed raaciyay arrintaas, iyada oo ay muhiimadda ku tilmaameen in caddaaladda la badin karo, dulmiga la yarayn karo, khayrkana la fidin karo.
2. Maadaama nidaamka Xisbiyada badan loo guuray, qofka muslimka ah in uu Xisbiyadaas (Sida Xisbiga Jamhuuriga ah) ka qaybgalo ma bannaan tahay, mase jirtaa shuruudo looga baahan yahay qofkaas?
Culimada ayaa sheegtay in siyaasaddu ay tahay asalkaba sida Ibnu Qayim sheegay goob lagu khaldamo oo lagu simbiriirixdo. Dhanka kale culimada ayaa adkeeyay qofka muslimka ah ee doonaya in uu siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadeed galo, isla markaana raba in uu adduun iyo aakhiroba ka guul gaaro, in looga baahan yahay:
1. Ikhlaas iyo in qofku ujeedkiisa koowaad uu noqdo Ilaahay, waayo siyaasadda oo laga shaqeeyo waa cibaado.
2. Barashada diinta. Gaar ahaan Fiqiga Siyaasadeed, kaas oo ah mid isbedbeddela markasta, si aad u fahanto dhanka jihadu kaa xigto, waxa aad doonayso, waxa la qaban karo Iwm.
3. Qaadashada tababarro iyo aqoon la xiriirta waxa loo yaqaan “Loollanka siyaasadeed”. Waayo dunida maanta waxa maamula dad loo yaqaan (Dowladda Gunta-dheer).
4. Haysashada koox adag. Soomaalidu waxay dhahdaa – Geesigu wuu il diriraa – oo la macne ah hareerihiisa ayuu eegaa. Waa halkii Ibnu Khladuum na uu lahaa “Guusha waxay ku timaaddaa tol” xilligaasna waxaa kooxda metelayay reero.
5. Qaadashada hubka siyaasadda; hubkaasi waa istiraatiijiyad, qorshe Iwm.
Dhanka kale, waxay culimadu tilmaameen dhinacyada ah tahay in laga qiimeeyo xisbiga lagu biirayo, sidoo kale, culimada ayaa ku nuuxnuuxsaday sida qofka Muslimka ah ay tahay in uu ula macaamilo afkaarta iyo aragtiyaha kasoo horjeeda diinta Islaamka ee uu leeyahay xisbiga siyaasadeed ee uu ku jiro. Culimada ayaa sheegtay in qofka muslimka ah marka koowaadba looga baahan yahay in uu ilaaliyo qiyamkiisa isla markaasna uu ku dheggenaado mabaadi’diisa. Culimada ayaa dhanka kale ka faallooday Mu’asasooyinka Islaamiga ah iyo
4 |Madasha Fikirka |Kulanka 2aad |Maalin Axad ah |Agoosto 22, 2021
|http://www.Bayanresearch.org/
kaalinta ay ku leeyihiin ka qaybgalka siyaasadda, iyaga oo kusoo koobay siyaabaha ay uga qayb qaadan karaan:
1. In ay fiqiga siyaasiga ah iyo axkaamta la xiriirta ka qaybgalka siyaasadda goobta iyo waqtiga ay joogaan u oggolaanaya in ay diyaariyaan.
2. In ay wacyigelin sameeyaan oo ay ku baraarujiyaan waxyaalaha looga baahan yahay ee axkaamta sharciga ah la xiriira, iyo wadajirka iyo waxyaalaha maslaxaddu kujirto.
3. In xarumaha cilmibaarista ay aasaaskooda ka qayb qaataan, sida dhaqaale u ururintooda iyo samayntooda iyo dadkii ka shaqayn lahaa garab istaagooda.
4. Dad isu keenkooda, maadaama dadka mu’asasaadka Islaamiga ah jooga ay yihiin kuwa loogu dhegeysi badan yahay.
5. In dadka kusoo baxay xilalka siyaasadda la toosiyo oo lagu dhiirrigeliyo dhanka samaha. Wixii wanaag ay ee ay dadka u qabanayaanna lagu garab istaago.
GUNAANAD
____________
Dooddu waxa ay kusoo idlaatay si qurux badan. Culimada ayaa ku dheeraatay faahfaahinta dejinta istaraatiijiyadaha iyo cidda ay tahay in ay dejiyaan, iyaga oo ku tilmaamay istaraatiijiyadda in ay tahay in joogtada (xaadirka) sida ay tahay loola macaamilo, mustaqbalkana sida uu noqon doono la sawirto, dadka samaynaya istaraatiijiyadduna ay qeexaan meesha ay ka galayaan istaraatiijiyaddaas ay dejiyeen. Halka ay tilmaameen cidda dejinaysa in ay yihiin khuburo u diyaarsan arrintaas.
Gunaanadka doodda ayaa diiradda lagu saaray talo soojeedinno Xarunta Bayaan iyo guud ahaan muslimiinta ku nool dalalka reer galbeedka ee laga tirada badan yahay.
Ugu danbaynna, Sh. Maxamed Shucayb oo ah Madaxweynaha –BRC-, kulankana daadihinayay ayaa uga mahadceliyay dhammaan dhegeystayaashii iyo kasoo qayb galayaashii doodda oo ay ugu horreeyeen culimadii qiimaha badnayd ee martida ku ahayd Kulankii 2aad ee Madasha Fikirka ee BRC.
Haddaba doodda oo faahfaahsan oo dhammaystiran lifaaqa hoose ka dhegayso:
https://www.facebook.com/BRC.Center/videos/257121249560837

Leave a Comment

Your email address will not be published.