Daraasad ku Saabsan Hoggaanka
Dawladda Dhexe ee Soomaaliya
Aragtida Dadweynaha Soomaaliyeed ee Ku Aaddan Hoggaaminta, Aragtida iyo
Go’aan qaadashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Hordhac
Ujeeddada sahankan waa in uu soo ururiyo aragtida dadweynaha Soomaaliyeed ee ku aaddan
hoggaaminta, go'aan qaadashada iyo waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddada uu xilka
hayo.
Mac'hadka Bayan wuxuu uruurinayaa jawaabo ku saabsan dhinacyada kala duwan ee maamulka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka midyihiin qaabkii uu u maareeyey caqabadihii
waaweynaa, dadaalladiisii midnimada qaranka, maaraynta arrimaha amniga iyo hindisayaashiisii
dhaqaale.
Ka qayb-qaadashadaada sahankan waa muhiim, waxayna aragtimo mug leh ku biirin doontaa doodaha ku
saabsan hoggaaminta, maamul wanaagga madaxweyne Xassan iyo jihaynta mustaqbalka
Soomaaliya.
Sidaa awgeed, Xarunta Cilmi-baarista ee Bayan, waxay si sharaf leh kaaga codsanaysaa inaad ka
qayb qaadatid xog-ururintaan. Bayan waxay ballan qaadaysaa in ay ilaaliso xogta gaarka ah ee
xogbixiyaha.