Fagaaraha TAYO (Taking Action for Youth Orientation) waa barnaamij wacyigelineed oo qayb ka ah barnaamijta Xarunta Bayaan ay kaga qayb qaadato kobcinta garaadka bulshada iyo kor u qaadidda wacyigooda. TAYO waxa ay ku wajahan tahay ardayda, waalidiinta, siyaasiyiinta, waxgaradka, dhallinyarada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan. Ujeedada Fagaaraha TAYO waa; kobcinta garaadka bulshada iyo kor u qaadidda tayada waxbarashada dugsiyada, masaajidda iyo dhammaan hay’adaha ay bulshadu leedahay. TAYO waxa ay noqon doontaa minbar ay ku kala warqaataan, ku aragti-wadaagaan, kuna kulmaan aqoonyahanka, barayaasha jaamacadaha, dadka xarumaha cilmibaarista ka hawlgala, macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan qaybaha bulshada.
Haddaba iyada oo laga duulayo muhiimadda iyo baahida loo qabo barnaamijka TAYO, ayaa Xarunta Cilmibaarista Bayaan oo ah xarun bulsheed, oo aan faa'iido doon ahayn, isla markaana abuuraysa deegaan aqooneed togan, kuna qotoma fikradaha/ aragtiyaha, waxay soo qaban qaabisay Fagaaraha Tayo - Qaybta 1aad, oo qayb ka ah Madasha Wacyigelinta ee BRC.